24 C
Mogadishu
Monday, February 9, 2026

XASAN SH. oo shirka IGAD ka jeediyay Khudbad dhinacyo badan taabaneysa

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay furitaanka shirka Wasiirada Arimaha dibada dalalka IGAD, kaasi oo saaka ka furmay Hoteelka SYL oo ku dhaw xarunta Madaxtooyadda.

Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho lagu qabto shirka Wasiirada Arimaha dibada IGAD, sidoo kale horay loogu qabtay Muqdisho kulanka xubnaha 15-ka ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay.

Nuqul kamid ah Khudbada Madaxweynaha Jamhuuriyada ayaa waxaa kamid ahaa “Maanta markale dadka Soomaaliyeed wey idinku Faanayaan in aad halkaan joogtaan,weyna idin soo dhaweenayaan ,waxayna idiin rajeenayaan Guul-walba oo Shirkan Muhiimka ah ku saabsan”

Madaxweynaha oo sii wata Khudbadiisa ayaa waxa uu yiri “Mar labaad waxaan jeclaan lahaa inaan idiin kugu mahadceliyo ,anigoo ka Wakiil ah dadka Soomaaliyeed taageerada aad Soomaaliya la garabtaagantihiin iyo guusha laga gaaray in dib Soomaaliya loogu celiyo hormar iyo Xasiilooni.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in tani ay fariin cad u tahay in amniga Muqdisho uu yahay mid wanaagsan, sidoo kalena uu rajeynaayo in Bishan gudaheeda shirar kale lagu qabto isla Muqdisho.

Dhanka kale, Shirka oo ah kii 53aad ee Wasiirada Arrimaha dibadda ee Urur Goboleedka IGAD ayaa lagu wadaa in si rasmi ah gelinka dambe ee maanta la soo gabo gabeeyo, isla markaana laga soo saaro qodobo wax ku ool ah, iyadoo uu shirkan noqonayo muddo 29 sanno kaddib in shir ceynkan oo kale lagu qabto caasimadda Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News