Xog cusub: ETHIOPIA oo laga iibiyay dhallinyaro Somali ah oo aan waxba galabsan + Magacyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helaayo Magaallooyinka Hargeysa iyo Laascaanood ayaa sheegaya in dhalinyaro laga soo kala qabqabtay deegaanadaasi loo gacan galiyay Sirdoonka Dowlada Ethiopia.

Dhalinyaradaasi ayaa la sheegayaa in lagu eedeeyay in ay xiriir fog la leeyihiin Ururka mucaaradka Ogaadeniya ee loo yaqaan ONLF.

Dhalinyaradaani Soomaaliyeed ayaa waxa ay Sirdoonka Ethiopia ula duuleen Magaalada Addis ababa halkaasi oo lagu dhigay xabsiga dhexe ee dalkaasi iyaga oo aan lagu sameyn wax baaritaano ah, sida laga soo xigtay Muse Sheikh Cumar oo kamid ah qoyska mid kamid ah dhalinyarada lagu wareejiyay Ethiopia.

Dhalinyaradaani oo da’ dooda lagu qiyaasay 25 ilaa 30 ayaa waxaa wareejiyay Ciidamada Sirdoonka Maamulka Somaliland waxa ayna arrintaasi qeyb ka tahay dadaalada ay Somaliland aqoonsiga uga raadineyso Ethiopia.

Dhalinyarada loo gacan galiyay Ethiopia ayaa waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Axmed Sheikh Cumar iyo Keyd Maxamed Askar oo kasoo wada jeeda deegaanada DDSE.

Maamulka Somaliland iyo Ethiopia ayaa heshiis ku ah in la kala iibsado dhalinyarada Soomaaliyeed ee lagu qabto sida tuhunka ah.

Ma aha markii ugu horeysay oo dhalinyaro Soomaaliyeed sidaa oo kale loogu gacan galiyo Sirdoonka Ethiopia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com