Xildhibaanada mooshinka wada oo sharuud adag hordhigay Xasan Sh. & Jawaari (2 arrin oo culus)

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamuud Guure oo kamid ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa sharuudo adag hordhigay gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheikh Jawaari iyo madaxweyne Soomaaliya si ay kaga mid noqdaan xubnaha ka qeyb galaya wadahadalka mooshinka ku saleysan.

Xildhibaanka ayaa sheegay iney doonayaan labo arin oo ah in gudoomiyaha baarlamaanka uu soo saaro go’aan uu ku cadeynayo inuu ka laabtay hadalkii dhawaan uu soo saaray ee ahaa inuu soo afjaray mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha dalka.

Sidoo kale wuxuu sheegay in xildhibaanada wada mooshinka doonayaan in lasoo celiyo hantidii qaranka Soomaaliya si ay u aqbalaan wadahadal lala galo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud.

Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Jawaari ayaa waxaa soo wajahay culees labo ah oo kala ah qancinta xildhibaanada mooshinka wadda iyo madaxweynaha Soomaaliya xildhibaanada tageersan.

Siyaasiyiin badan ayaa qaba in khilaafka ka dhashay mooshinka uu dib u dhac weyn ku keeni karo hayadaha dowlada Soomaaliya shaqooyinka laga sugayay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com