Xog: Axmed Madoobe oo xiriirka u jaray R/W CC

Kismaayo (Caasimada Online) – Xiriirka Ra’iisal wasaare xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke iyo Madaxweynaha Jubba Axmed Madoobe ayaa si weyn u xumaaday kadib markii Axmed Madoobe si weyn uga carooday tallaabadii xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ka soo baxday ee wasiirkii madaxtooyada Jubaland C/qani Abdi Jaamac looga dhigay mas’uul ka tirsan xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya.

C/qani Jaamac ayaa la sheegay inuu Kismaayo kasoo tegay isagoo aan faahfaahin ah siinin Axmed Madoobe isla markaana ay si hoose xiriir uga dhaxeeyay isaga iyo Cumar C/rashiid, waxaana Axmed Madoobe ka war helay markii ay soo baxday magacaabidda C/qani oo lagu daray guddiga howl-wadeenada Madaxa Qaran ee wadatashiga.

Axmed Madoobe ayaa la sheegay inay arrintan ka wadahadleen iskuna khilaafeen Cumar C/rashiid, waxaana markii danbe uu Axmed Madoobe xiriirkii u jaray Ra’iisal wasaaraha isagoo u caddeeyay inuusan wax wadashaqeyn ah oo danbe la yeelan doonin xafiiska Ra’iisal wasaaraha oo uu arrimaha xukuumadda Soomaaliya kala shaqeyn doono Wsaaradda Arrimaha gudaha.

Arrintan ayaa ku kaliftay Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid inuu ka noqdo magacaabidda guddiga howlwadeenada Madasha Qaran oo sidoo kale ay ka hor yimaadeen madaxweyne Xasan Sheekh oo maamulada Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com