Xog: CC oo iska fogeeyey magacaabida guddigii madasha ee muranka keenay (Yaa magacaabay?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali ayaa iska fogeeyay magacaabiddii dhowaan xafiiskiisa laga faafiyay ee Guddiga howlwadeenada farsamada ee Madasha Wadatashiga Qaran, kaasoo xafiiskiisa shaaciyay dhowaan xilli uu dalka ka maqnaa.

Kulan degdeg ah oo ay shalay yeesheen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha C/raxmaan Odowaa ayaa arrintan looga hadlay wuxuuna sheegay Ra’iisal wasaaruhu inuusan isagu amrin faafinta magacyada oo balse xafiiskiisa ay ka soo baxday oo kaliya ay ahayd howl qabyo ah, waxaana arrintan mas’uul ka ahaa agaasimaha xafiiskiisa oo dhowaan xilka la wareegay ninka lagu magacaabo Cabdisalaan Salwe.

Kulanka saddex mas’uul ayaa la isku afgartay in isbedel lagu sameeyo guddigaasi iyadoo laga saarayo xubno ka mida laguna soo darayo kuwo cusub, waxaana si weyn loo dhaliilay qaabka wadatashi la’aanta ah ee arrintani u dhacday oo Ra’iisal wasaaruhu iska fogeeyay.

Agaasimaha cusub ee xafiiska Ra’iisal wasaaraha oo ah nin dhalinyaro ah oo beel ahaan ay isku dhow yihiin Ra’iisal wasaaraha ayaa tallaabadii ugu horeysay ee uu qaaday ay noqotay arrintan fashilka keentay, isaga oo ceshan waayey caadifadda qabiil ee ka buuxda.

Waxay iminka dad badan is weydiinayaan inuu Ra’iisal wasaaruhu wax ka ogaa oo mas’uulka xafiiskiisa ku baxsanayo iyo inay tahay qorshe u socon waayay, iyadoo aanay suuragal ahayn in agaasime xafiis ku dhaqaaqo arrin sidan u weyn oo aanu mas’uulka weyni la ogeyn.