Xog: Wasiir Odawaa oo Xasan Sheikh u gudbiyay dacwad nooc cusub ah oo yaab leh kaddib….!!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha Gudaha Xukuumada Somalia Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen “Odawaa”, ayaa lagu soo waramayaa in Madaxweyne Xassan Sheekh uu ku wargaliyay in Wasaaradiisu ay u maaro la’ dahay maamulada qaar.

Odawaa ayaa la tilmaamayaa in maamulada Puntland iyo Jubbaland uu ku eedeeyay u hogaansami la’aanta awaamirta wasaaradiisa, waxa uuna sheegay in maamuladaasi ay u shaqeeyaan hab qabiil.

Madaxweynaha ayuu ku wargaliyay in labadaasi maamul aysan wax u arag in lagu maamulo sharciga dalka, taasi oo uu sabab uga dhigay kormeerid la’aantiisa xaalada deegaanada Maamuladaasi.

Xassan Sheekh ayuu si ganbasho la’aan ah ugu wargaliyay in maamuladaasi loo sameeyo nidaam kale oo lagula xaajoodo, waxa uuna farta ku goday in warqado dhowr ah oo uu u diray aysan kasoo jawaabin.

Dhanka kale, Cabashada Odawaa ayaa kusoo beegmeyso xili wasaaradiisa lagu tilmaamo inay tahay tan ugu liidato xiligaani, marka loo eego wasaaradaha kale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com