Guddoomiye Jawaari oo qaati laga taagan yahay

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo uu wali taagan yahay khilaafka ka dhashay Mooshinka laga gudbiyay Madaxweyne Xassan Sheekh, ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Xildhibaan Maxamuud Guure oo kamid ah Baarlamaanka Somalia.

Xildhibaan Maxamuud Guure, ayaa sheegay in Madaxweyne Xassan uu raali ka yahay in Mooshinka loo gudbiyo Maxkamada sare ee dalka, balse Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uu luqaafo la hortaagan yahay hirgalinta mooshinkaasi.

Guure waxa uu cadeeyay in sharci ahaan Mooshinkaasi uu yahay mid waafaqsan sharciga islamarkaana Xassan Sheekh iyo Jawaari ay ogyihiin balse ay dareensan yihiin in mooshinka uu leeyahay miisaan culus.

”Jawaari waxa uu caqabad ku yahay in lasoo gabagabeeyo xasarada ka dhalatay mooshinka, waayo waxaan ognahay in Xassan Sheekh uu isaguba raali ka yahay in Mooshinka la horgeeyo Maxkamada balse Jawaari uu kasoo horjeedo in arrintaani lasoo afjaro, waayo dhaqanka noocaasi ah waa mid lagu duminaayo Qaranka”

Sidoo kale waxa uu sheegay haddii Mooshinku yahay mid khaldan sababta uu Madaxweyne Xassan u hor imaan la’ yahay BF, waxa uuna taasi ku sheegay in Mooshinka uu yahay mid dhan waliba isaga dheeli tiran.

Xildhibaanka ayaa intaa ku daray inuusan garan karin xilliga uu Garsoor isku badalay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan.

Xildhibaano kale oo kamid ah garabka Mooshin wadayaasha ayaa iyaguna qaba in Gudoomiye Jawaari iyo Madaxweyne Xassan ay ku sifoowen Qaran dumis, waxa ayna tilmaamen in horumarka Somalia ay caqabad ku yihiin labadaasi Mas’uul sida laga soo xigtay Xildhibaanada qaar.

Ugu dambeyntii Xildhibaanada waxaa ay Jawaari xusuusiyeen in uu u dhaartay Shacabka ee aanu u dhaaran in Eex u galo Madaxwrynaha iyo beesha Caalamka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com