XOG: R/W hore ee Somalia oo tagay Baydhaba.!!

Baydhabo (Caasimada Online) – Wafdi uu hogaaminayo ra’isul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi ayaa maanta tagay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan maamulka Koofur Galbeed.

Wafdiga Cali Maxamed Geedi ayaa waxaa loo galbiyay madaxtooyada maamulka koogur Galbeed, waxaana la ogeyn waxyaabaha dhabta ah ee ka dambeeya safarkiisa.

Xubno ka tirsan maamulka koofur galbeed ayaa warbaahinta u sheegay iney ku faraxsan yihiin in Cali Geedi uu tago magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Wararka aan ka heleyno magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa sheegaya in ujeedada safarka tahay sidii maamulka koofur Galbeed ugu taageeri lahaa arimaha dhismaha baarlamaanka iyo xubnaha wasiirada maamulkaasi.

Wafdiga ayaa kulamo magaalada Baydhabo kula kulmaya xubnaha ugu sareeyo maamulka Koofur Galbeed.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
Caasimada@live.com