DF Somalia oo gacanta la gashay khilaafka Gedo iyo wafdi sare oo maanta gaaray GARBAHAREY

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Somalia Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray degmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo.

Wafdiga Wasiirka ayaa waxaa kamid ahaa Xildhibaano iyo Saraakiil ciidan, waxaana garoonka Garbahaarey kusoo dhaweeyay Xildhibaano iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsanaa Maamulka Jubbaland oo ay halkaasi kuwada ballansanaayen.

Ujeedka socdaalka Wasiir Diini ayaa la sheegay inuu la xiriiro muran Siyaasadeed ku saabsan maamulka Gobolka Gedo, maadaama Madaxweynaha maamulka jubba uu maamul cusub u soo Magacaabay Gobolka halka kii hore ee Dowladda Federaalka uu diidan yahay in shaqada uu wareejiyo.

Wasiirka iyo Xildhibaanada ayaa lagu wadaa inay dhex galaan khilaafka u dhexeeya Maamulkii hore ee DF Somalia uga wakiilka ahaa Gedo iyo kan uu dhawaan magacaabay Axmed Madoobe.

Dhanka Maamulka Jubbaland waxaa xal u raadinta khilaafka u matali doono Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland C/llahi Sheekh Ismaacil Fartaag iyo Xildhibaano ka tirsan Maamulka Jubba.

Xukuumada Somalia ayaa qabta in Gedo loo daayo Maamulka DF ee iminka uu kasoo horjeedo Axmed Madoobe, waana tan keentay in Ra’isul wasaare Cumar uu Garbahaarey u diro Wasiir diini iyo Xildhibaanada wehlinaaya.

Dhanka kale, Wasiir diini ayaa looga fadhiyaa in xal waara uu ka gaaro khilaafka taagan waxaana suuragal ah inuu ku guul dareysto bacdamaa khilaafkaasi shir socday muddo bil ah lagu xalin waayay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com