Arag Sawirrada: Shacab aad u careysan oo dab qabadsiiyay hooyga taliyaha booliiska ee Awdal

Muqdisho (Caasimada Online) – Kontomeeyo Shacab careysan ayaa dab qabadsiiyay hooyga Taliyaha Qeybta booliiska ee Gobolka Owdal ee uu ka degan yahay Magaalada Boorama.

Shacabka guriga Taliyaha weeraray ayaa watay Bansiin Caagado ay ku jireen iyo Taraq waxaana la sheegayaa inay xoog ku galeen hooyga Taliyaha kadibna ay sidaa dab ku qabadsiiyeen.

Dadkaani careysnaa ayaa inta aysan gubin guriga Taliyaha banaanka usoo saaray dhamaan dadkii gurigaasi ku sugnaa kadibna dab qabadsiiyay.

Waxaa guriga ku basbeelay dhamaan agabkii Taliyaha ee gurigaasi yiilay, iyadoona ay shacabkaasi iska celsheen Ciidamo gurmad u ahaa Taliyaha.

Caradaani ayaa ka danbeysay kadib markii Garoonka kubada Cagta Magaalada Boorama ay shalay ka dhacday rabshado xoogan, ciidamada booliiska ayaan rasaas ku furay dadkii Garoonkaasi ku sugnaa, iyadoona rasaastaasi ay galaafatay nolosha hal ruux.
bora_1

bora_2

bora_3

bora_4

bora_5

bora_6