Xasan oo ka hadlay wax ka bedalidda CALANKA

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay warar soo baxayay oo sheegaya in wax laga badalayo calanka Soomaaliya oo maalmahaan la hadal hayay.

Madaxweyne Xasan Sheikh, ayaa si cad u beeniyay in wax ka badal lagu sameynayo calanka Soomaaliya xili maanta ku beegan tahay maalintii la aasaasay calanka Soomaaliya oo aheyd sanadkii 12 October 1954.

Baraha Bulshada iyo warbaahinta ayaa muddootinkii ugu dambeeyay daabacday warbixino la xiriiro xogo ay heleen oo ah in Dowladaha Kenya iyo Ethiopia damacsan yihiin in wax ka badal lagu sameeyo calanka Soomaaliya lagana bixinayo calanka shanta gees leh.

Madaxweynaha ayaa sheegay in been abuur yihiin in calanka Soomaaliya wax laga badalayo arimahaasina uu ka arkay baraha internetka ee bulshada.

Madaxweynaha wuxuu hadalkan ka jeediyay munaasabad Calanka lagu xusaayay, oo lagu qabtay Xarunta Dowladda Hoose Xamar Ee Visha Governo. Waxaana ku wehlinaayay masuuliyiin ay ka mid yihiin Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, Cumar C/rashiid Cali Sharmarke iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com