DF oo shacabka XAMAR u diiday xuska calanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo ay maanta ku asteysan tahay 12-ka Oktoobar oo ah maalinta Calanka Somalia islamarkaana daafaha dunida laga xusaayo maalintaani qiimaha leh ayaa waxaan xuskaani ka qeybqaadan Shacabka Magaalada Muqdisho.

Xuska maalintaani ku weyn shacabka Soomaaliyeed, ayaa waxaa magaalada Muqdisho ku dhigtay kaliya Madaxtooyada Somalia, Xukuumada iyo Golaha Baarlamaanka Somalia, iyadoona shacabka Muqdisho loo diiday inay ka qeybgalaan goobaha xuska lagu dhigaayo.

Munaasabada Calanka ayaa waxaa lagu dhigay Xarunta Dowlada Dhexe waxaana goortii ay xaruntaasi galeen Madaxda DF ay dhexda kasoo xirteen Xarunta iyadoona halkaasi laga mamnuucay inay galaan dadka shacabka, markii laga reebo dad gaar ah oo la socday madax-daasi iyo kuwo farakutiris ah oo ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir.

Maalintaani qiimaha leh awgeed ayaa waxaa sidoo kale shacabka Muqdisho abaalmarin looga dhigay in laga xanibo isticmaalka wadooyinka qaar, iyadoona ay xusid mudan tahay in gabi ahaan wadada hor marta Villa Somalia loo diiday gaadiidka shaqaalaha Dowlada iyo kuwa shacabka.

Sidoo kale waxaa jiray Boqolaal shacab ah oo u diyaar garoobay in Munaasabadaani ay ka qeybgalaan hayeeshee goortii ay gaaren Xarunta Dowlada Dhexe oo ay munaasabada xoogeeda ka soctay ayaa waxaa iridka kasoo celiyay Ciidamada gaarka ah ee Madaxweyne Xassan iyo kuwa kale ee ka qeybqaadanaayay ilaalinta amaanka Xaruntaasi.

Su’aashu waxa ay tahay Munaasabada maalinta Calanka Somalia ma Madaxda Qaranka ayay gaar u tahay ama umadda Soomaaliyeed.

Sakariye Cusman Cali oo kamid ahaa dhalinyarada gaaray Xarunta ay Munaasabada ka dhaceysay ayaa waxa uu sheegay in goortii uu isku dayay inuu galo xarunta laga soo celiyay meel aan sidaa uga sii fogeyn xarunta waxa uuna sheegay in Ciidamadu ay ku wargaliyeen in Xarunta ay ku jiraan Madaxda Qaranka sidaa awgeedna uusan gali karin.

Waxa uu sheegay in Xarunta ay Munaasabad ku leeyihiin Madaxda Dowlada sidaa darteedna aan loo ogoleyn qof aan lagu casuumin!!

Si kastaba ha ahaatee arrintaani ayaa waxa ay qeyb ka noqoneysaa fashilka DF Somalia oo gaaray heer Munaasabadaha caamka ah ay iyada isku soo koobto islamarkaana ay ka mamnuucdo shacabka qeybta ka ahaa Munaasabada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com