Xog: Cumar C/rashiid oo ka hor yimid qorshaha magaacibadda guddoomiyaha gobolka Banaadir

Muqdisho (Caasimada Online) – RW Omar Abdirashid ayaa si kulul uga hor yimid qorshe aay wateen Xil. Faarax Cabdulqaadir iyo Cabdikarin Xuseen Guuleed. Qorshahaas oo ahaa magacaabidda Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Baanaadir oo aay rabaan in loo magacaabo Maxamed Cali Afrax oo ka mid ah kooxda talada waddanka gacanta ku haysa ee Damul Jadiid.

Waxaa in dhaweydba miiska xulida guddoomiya saarnaa laba shaqsi oo ka wada tirsan urur diimeedka Damul Jadiid, iyadoo aakhirkiina aay kooxda go’aansadeen in la magacaabo Maxamed Cali Afrax, laguna qanciyay shaqsigii la tartamayay oo lagu magacaabo Sheekh Yusuf Xuseen Jimcaale oo hadda madax ka ah Xisbiga PDP ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Ilo wareedyo ku dhow Villa Soomaaliya ayaa sheegaya in xurgufta Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha aay keentay kaddib markii uu Madaxweynaha ka biyo diiday magacaabida RW uu magacaabay xubno aay isku beel yihiin dhowaantan oo loo magacaabay GUDDIGA WADASHIGA QARAN sida aay qortay Caasimadda Online.

RW Cumar ayaa isagana markiisa ka hor yimid qorshahan aay rabaan in Kooxda Damul Jadiid aay hoggaanka Caasimada Muqdisho u dhiibaan shaqsi aay isku koox yihiin, isagoo ku andacoonaya in shaqsigan uusan lahayn qibrad iyo aqoon guud oo ku qaban karo xilkan culus.

Madaxweynaha ayaa damacsanaa in Maalinta Jimcaha ee soo socoto uu magacaabo Maxamed Cali Afrax, lamana oga hadda in uu wax iska bedeli doono mowqifkiisa kuna adkeysan doono. Ilo ku dhow xafiiska RW Soomaaliya ayaa sheegayo in aanay golaha wasiirada ansixin doonin haddii uu soo magacaabo Madaxweynaha shaqsi aan ka soo bixi karin xilkan culus.

Waxaa arrintan iyana soo faragashtay qaar ka mid xubnaha beesha caalamka oo walaac ka muujiyay magacaabida Maxamed Cali Afrax.

Wixii soo kordha dib ayaan idinkala soo socodsiin doonaa.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com