JAWAARI oo u yeeray xildhibaanada mooshinka

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka  Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusman “Jawaari” ayaa maalinnimada berrito ah oo ay taariikhdu ku beegan tahay 13ka Octobar 2015 kulan ugu yeeray iney kasoo qeybgalaan Xildhibaannada saxiixayaasha ah ee ku saxiixan mooshinkii 12kii August ee isla sanadkan loosoo gudbiyey Guddoonka.

“Dhammaan Xildhibaannada ah saxiixayaasha mooshinka 12-August- 2015 waxaa la ogeysiinayaa in fadhigii 2aad ee ka wadahadalka qodobbada mooshinka la qaban doono maalinta talaadada ah oo ay taariikhdu tahay 13-Ocotober-2015, 11:00AM subaxnimo, waxaana lagu qaban doonaa xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa” ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari”.

“waxaa dhammaan xildhibaanada ah saxiixayaasha mooshinka kor ku xusan ayagoo mahadsan lagu adkeynayaa iney kasoo wadaqaybgalaan fadhigan, waqtigana ilaaliyaan” – ayuu hadalkiisa kusoo gebagebeeyey Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaaliya.

FG:- Kulankan waxa uu gaar u yahay oo Guddoonka iyo Madaxda kale ee Qaranka ay kula kulmayaan kaliya Xildhibaannada saxiixay Mooshinka 12ka August -2015

—-DHAMMAAD—-

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Guddoonka Baarlamaanka

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com