XOG: Axmed Madoobe oo Muqdisho laga sugayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo labadii maalin ee lasoo dhaafayay magaalada Muqdisho ay ku sugnaayeen Maxamuud Sayid Aadan iyo Maxamuud Yuusuf Aw-libaax, ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in Axmed Madoobe imaanayo Muqdisho.

Wararka aan ka heleyno kulamo kala duwan oo ay qaateen ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo Xubnaha ka yimid magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in la isla gartay in Axmed Madoobe uu yimaado Muqdisho, si dowlada Soomaaliya goobjoog ka ahaato hishiisyada dhexmaraya labada dhinac.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa waddo qorshe lagu dhameynayo khilaafka muddada soo jiitamaya ee ka dhashay markii Axmed Madoobe wax ka badalid uu ku sameeyay  maamulka gobolka Gedo.
Maxamuud Sayid Aadan iyo Maxamuud Yuusuf Aw-Libaax, ayaa waxay matalayaan xubnaha gobolka Gedo kasoo jeeda ee mucaaradsan maamulka Jubbaland, waxaana la filayaa in labadooda lagu qanciyo xubnaha maamulka Jubbaland ka dhiman.
Dhanka magaalada Garbahaareey waxaa ka socdo kulamo kala duwan oo ay qaadanayaan madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland iyo xubno kale oo ku sugan magaalada oo uu kamid yahay Imaan Cadow Kaarshe gudoomiyaha degmada Garbahaareey.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com