Xog dheeraad ah oo laga helayo diyaaradii xalay ku dhacday duleedka Muqdisho + Magacyada..!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Shabakada Caasimada Online oo dadaal dheer ku bixisay helida xogo dheeraad ah oo ku saabsan Diyaaradii Xalay ku dhacday Duleedka Magaalada Muqdisho gaar ahaan halka loo yaqaan carbiska oo ku dhow Degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose.

Caasimada Online oo xiriiro kala duwan la sameysay Saraakiisha ugu sareysa Ciidamada AMISOM ee Muqdisha ayaa waxaa u suuragashay inay hesho magacyada Saraakiishii la soctay diyaarada dhacday waxaana kamid ahaa:

1-Tariq Bayonmay

2-Salah Sadak

3-Ahmed Barajad

4-Mohamed Subhi

5-Alaa raflax

6-Shahta Shanoni

Diyaarada ayaa waxa ay kasoo ambabaxday Magaalada Qahira waxaana ku rarnaa Saanad Militery oo la sheegay inay u siday AMISOM, halka warar kaasi ka duwana ay sheegayaan in saanadaasi loo siday DF Somalia.

Sidoo kale, Dowlada Masar ayaa dhawaan xaqiijisay in diyaaradda dhacday dalkeeda laga lahaa.

Diyaarada ayaa waxaa lagu magacaabaa Trans Fare Air Cargo waxa ayna waday tan aad u culus.

Ma cadda wali sababta keentay in diyaaradani fariisato deegaanka carbiska, balse waxaa jirta in garoonka Muqdisho uusan habeenkii shaqeynin sababo la xiriira agabka habeenkii garoonada ay ku shaqeeyaan oo uusan laheyn.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com