Xog cusub: Farmaajo iyo sii daynta Cumar Shariif Jeeg

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya sii daynta guddoomiyaha degmada Xamar Weyne ee gobolka Banaadir Cumar Shariif Jeeg, oo shalay dib u helay xoriyaddiisa kadib markii uu xirnaa dhowr maalmood.

Cumar Shariif Jeeg ayaa loo xiray kadib markii uu sheegay in musuq-maasuq xooggan uu ka dhex jiro xukuumadda, ciidamada iyo maamulka gobolka Banaadir, isaga oo ka caraysnaa in waxyaabo uusan ogeyn laga sameynayey degmadiisa.

Xog cusub oo aan helnay ayaa sheegeysa in madaxweyne Farmaajo uu bixiyey amarka lagu sii daayey Cumar Shariif Jeeg, isaga oo sheegay in haddii ay jiraan qaladaadka uu sheegay Cumar la baaro, oo durba aan xarig lagula deg degin.

Wararka qaar ayaa sheegaya in fanaanka caanka ah ee Banaadiriga, Shariif Jeeg oo dhalay Cumar uu la kulmay madaxweyne Farmaajo, kalana hadlay sii daynta wiilkiisa.

Dhinaca kale, gudoomiyaha gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Yariisow ayaa maanta dhagax dhigay dhulka muranka uu ka taagan yahay oo  ku yaalla degmada Xamarweyne, kasoo dhowaan Guddoomoyaha degmada Xamarweyne Cumar Shariif Jeeg in musuqmaasuq lagu qaadanayo.

Dhulkan ayuu sheegay Gudoomiyihii degmada Xamarweyne Cumar Shariif Jeeg oo xabsiga in maamulka gobolka Banaadir uu dhulkaasi Musuqmaasuq ka wado ayna leeyihiin dad shacab ah, arrintaas oo keentay in shaqadii laga joojiyo, lana xiro balse ay arrintiisa farageliyeen madaxda sare, lana sii daayey.

Yariisow ayaa sheegay in dhulkaasi laga furi doono Xafiisyo ay ku shaqeeyaan dhalinyaradda gobolka Banaadir iyo dadka Barakacayaasha ah, sida uu yiri, waxaan weli taagan muranka dhulkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com