Cabdiraxman C/Shakuur oo isku ceebeeyey Facebook

Muqdisho (Caasimadda Online) – Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa bartiisa Facebook soo dhigay laba qoraal oo iska hor imaanayo oo ku saabsan xubinimadii iyo darajooyinkii ciidamada ee laga xayuubiyey General Cabdalla Cabdalla oo ahaa Taliye ku xigeenkii hore ee NISA.

Hey’adda NISA ayaa dhawaan barteeda Twitter-ka soo dhigtay in xubinimadii NISA laga saaray General Cabdalla Cabdalla kadib wareysi uu bixiyay agaasime ku xigeenkii NISA Cabdalla Cabdalla, oo dhawaan xil ka qaadis lagu sameeyay.

Hay’adda ayaa sheegtay in guddi loo xil saaray wareysiga uu bixiyay Cabdalla oo uu kaga hadlay dhibaatooyinka Hay’adda dhexdeeda ka jira.

Waxaa qoraalka lagu sheegay in Guddiga ay isla garteen in Cabdalla uusan u qalmin kasii mid ahaanshaha Hay’adda.

Xilligaas Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa bartiisa Facebook kaga hadlay arrintaan, wuxuuna sharci darro ku tilmaamay in Hey’adda NISA ay go’aankaas qaadato, isagoo ku dooday in kaliya xubinimada NISA looga saari karo xukun maxkamadeed iyo go’aan madaxweyne.

Haddaba Madaxweyne Farmaajo ayaa dhammaan darajooyinkii ciidamada ka xayuubiyey General Cabdalla Cabdalla kadib go’aan kasoo baxay Madaxweynaha

“Sarreeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed waxaa laga dhigay dhammaan darajooyinkii ciidan, isla markaana waxaa laga ruqseeyay hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaliyeed sababo la xiriira xadgudub sharciga ciidamada qalabka sida iyo xeer hoosaadka Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.” Ayaa lagu sheegay wareegtada.

Mar kale Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa arrintaan Facebook kaga soo hadlay isagoo haddana keensaday qodobo cusub oo uu ku sheegay in xubinada NISA iyo Darajada looga xayuubin karo Cabdalla Cabdalla

 

Haddaba su’aasha is waydiinta mudan ayaa ah waxax ka qaldan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo gacantiisa kusoo qoray laba qoraal oo iska hor imaanayo?!!

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com