Qarax xooggan oo goor dhow ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-Qarax xoogan ayaa waxa uu goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia kaa oo inta badan laga wada maqlay degmooyinka Gobolka Banaadir.

Qaraxa oo jugtiisa uu ahaa mid aad u xoogan ayaa waxa uu u muuqda mid loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay walxaha Qarxa.

Qaraxa ayaa la sheegayaa in uu ka dhacay degmada Hodan gaar ahaan meel u dhow Xarunta degmada, waxaan weli la ogeyn goobta sida gaarka ah loo bartilmaameedsaday.

Qaraxa kadib ayaa waxaa mar qura is qabsaday rasaas xoogan oo ay ridayeen ciidamada dowlada ee ku sugnaa meel ku dhow dhow goobta uu Qaraxa kadhacay.

Waxaa la maqlayaa guuxa gaadiidka gurmadka oo ku qulqulaaya halka uu Qaraxa kadhacay, waxaana xusid mudan in gaadiidka dagaalka ciidamada dowlada ay gaarayaan goobta Qaraxa.

Ma cadda heerka uu la egyahay khasaaraha ka dhashay Qaraxa waxaana inta badan xiran waddooyinka magaalada oo lasoo dhigay ciidamo badan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com