Sawirro: Ismiidaamin ka dhacday degmada Hodon oo burburiyey xarunta

Muqdisho (Caasimada Online) – Weerar ismiidaamina oo loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay walxaha Qarxa ayaa lagu weeraray Xarunta Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Xiliga uu Qaraxa ka dhacaayay xarunta ayaa waxaa halkaa ku sugnaa mas’uuliyiin iyo dad shacab ah oo halkaa howl uga soctay.

Burbur xooggan ayaa soo gaaray xarunta degmada Hodan Waxaana goobta laga qaaday Meydad iyo dhaawacyo sidda dadkii goobta tagay sheegeen.

Dad ku sugnaa albaabka dhismaha xarunta ayaa kamid ahaa dadkii ku dhintay Qaraxa waxaana sidoo kale kamid ahaa ciidamo ka tirsan kuwa degmada.

Ciidamada ammaanka ayaa tagay goobta ay wax ka dhaceen, halkaasi oo dad dhaawacyo ah laga daadgureeyay.