Muxuu Farmaajo xooga ku saarayaa khudbada uu u jeedinayo labada Aqal?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta oo isniin ah lagu wadaa in uu furmo kal-fadhiga 4aad ee Baarlamaanka Soomaaliya labadiisa Aqal.

Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullahi ayaa la filayaa inuu furo kal-fadhiga, isla markaana khudbad ka horjeediyo Xildhibaanada labada Aqal.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa inta badan waxa uu khudbadiisa kaga hadli doonaa xaalada Somalia iyo mudada ay jirto dowlada Federaalka uu hogaamiyo iyo waxyaabaha u qabsoomay.

Xildhibaanada labada Aqal ayaa ku jiray fasax laba bilood ah,balse Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa horay warqad uu soo saaray waxa uu ku shaaciyay in 10 Bishan September uu furmayo kal-fadhiga afaraad ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Kulankan waxaa ka qeyb galaya dhammaan xubnaha Baarlamaanka iyo xubno ka socda Beesha Caalamka, sidoo kale kulanka waxaa la filayaa inuu ka qeyb galo Ra’isul wasaaraha Somalia Xasan Kheyre.

Waxaa sidoo kale kulanka ka qeyb noqon doona Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ah xildhibaan sharafeed, kadib markii bishii hore dhammaadkeeda uu dib ugu soo laabtay dalka.

Baarlamaanka labada Aqal ayaa fasax ku jiray labadii bilood ee la soo dhaafay,waxaana la sheegayaa in kal-fadhigii Saddexaad aysan wax Shaqo ah qaban,balse ay haatan horyaallaan ajandooyin dhowr ah.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com