Xog cusub: Fethullah Gulen oo arrin xasaasi ay ku soo korortay

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo maalmo un ka hor ay dowlada Turkiga amar ku bixisay in lasoo xiro wadaadka maalqabeenka ah ee lahaa fakirka lagu afganbin lahaa dowlada Turkiga Fethullah Gulen, ayaa waxaa soo baxaaya walaac hor leh oo muujinaaya inay jirto cabsi la xiriirta in la khaarijiyo Mr Fethullah Gulen.

Qareennada Fethullah Gulen, ayaa walaac ka muujiyay in la khaarijiyo wadaadkaasi oo isaga ay soo foodsaareyso hanjabaado dhowr ah oo kaga imaanaya dowlada Turkiga.

Qareennada Gulen oo uu kamid yahay Garyaqaan Reid Weingarten oo matalaya wadaadkaasi ayaa warbaahinta magaalada Washington u sheegay in xukuumadda Turkiga ay cadaadis saarayso Maraykanka sidii lagu wareejin lahaa Gulen.

Garyaqaan Reid Weingarten, waxa uu sheegay in cagajugleynta Turkiga ay suuragalinkarto in Mr Gulen laga takhlusiyo xili ay xaaladu tahay mid sii adkaaneysa.

Garyaqaan Reid Weingarten, waxa uu intaa raaciyay hadalkiisa inay adag tahay sida Mr Gulen uu ku heli lahaa cadaalad leysu haleynkaro waxa uuna shaki galiyay nolosha wadaadkaasi waa haddii ay dhacdo in loo gacangalsho dowlada Turkiga.

Garyaqaan Reid Weingarten,waxa uu intaa ku daray hadalkiisa in wadaadka Turkiga ah ee ku nool Maraykanka, Fethullah Gulen, ay ka cabsi qabaan in la dilo.

Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in dowlada Turkiga aysan ka hari doonin Gulen meel waliba oo uu cagta dhigo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com