Somaliland iyo DF Soomaaliya oo hal arrin iska kaashanaya (Aqri)

Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa meel xasaasiya maraya lacag ugu deeqida muwaadin Soomaaliyeed oo ku dhawaad 20 sano ku xanuunsanyaya duleedka magaalada Burco ee mamulka Somaliland.

Muwaadinkaa Soomaaliyeed oo dhimirka loogu jiro ayaa waxaa muuqaal kasoo duubay Wariye C/maalik Muuse Coldoon, waxaana muuqaalkaasi uu dhaliyay inuu durba ka jawaabo Wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya C/raxmaan Odowaa oo ugu deeqay kun Doolar.

Markii deeqdaasi la gudoonsiiyay Muwaadinka dhimirka looga jiro ayaa waxaa durba laga kaxeeyay halkii markii hore uu ku dac dareysnaa, waxaana la dajiyay guri magaalada ku yaala iyadoo isbitaal la geeyay si loo daweeyo.

Maalin ka dib waxaa lix kun oo doolar muwaadinkaasi gudoonsiiyay wasiir ka tirsan maamulka Somaliland, iyadoo deeqdaasi ay u muuqatay jawaabta wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya.

Saacado kadib golaha wasiirada xukuumada Soomaaliya ayaa lacag dhan 10 kun oo doolar ugu deeqay ruuxa ku xanuunsanaya magaalada Burco, waxaana deeqahaasi oo dhan ay noqdeen jawaabo, maadaama muddadii labaatanka sanoe ee uu xanuunsayay aysan jirin cid wax gaarsiisay.

Dhinaca wasiirka arimaha gudaha oo bilaabay bixinta lacagta loogu deeqay ruuxa ku xanuunsanaya Burco ayaa wax dhaqaalo ah gudoon siiyay orodyahankii Soomaaliya u matalay ciyaarihii Beijing oo Dhimirka ka xanuunsanaya kuna sugan magaalada Muqidsho, balse balanqaad oo kaliya u sameeyay.

Caasimada online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com