DF oo qaaday tallaabo yaab leh oo ka dhan ah hoteelada Muqdisho

Wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda FS ayaa soo saartay digniin ka dhan ah hoteelada lagu qabto shirarka ee Muqdisho, oo ay dul dhigtay amar adag oo ah inaan lagu qaban karin shir aysan wasaaraddu la socon.

Qoraalka cusub oo laga ilaaliyay sixiixa wasiirka ayaa maamulayaasha hoteelada waxay welwel ka muujiyeen saameynta ay ku yeelan karto ganacsigooda maadama ay adag tahay in kooxaha mucaaardka ku ah dowladda ay helaan ogolaanshaha ay kaga baahan yihiin dowladda taasi oo ay haddii ay dhaqan gasho caqabad ku noqon karta qabsoomidda shirar badan oo ay lacago ka sameyn jireen.

Xisbiyada mucaaradka ayaa dowladda ku eedeeyey inay ku tumanayso xaqa muwaadiniinta uu siisanayo dastuurka ah oo ah in la qabsan karo shirar iyo in xorriyadda hadalka iyo banaanbaxyada la qabsan karo.

Ma cadda sida uu go’aankan Wasaaradda Arrimaha gudaha uu u dhaqan gali karo, maadaama  dhowr jeer oo hore la isku qabsaday wareegtooyin aan meel marin oo ka soo baxay Wasaaradda Gudaha ee dowladda Soomaaliya.

received_1101427579904331