Soomaalida Turkey ka qeyb qalay diidmadii Afgambiga (Daawo)

Ankara (Caasimada Online) – Dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed ayaa ku nool magaalooyinka waaweyn ee dalka Turkiga qaarkood, waxayna halkaasi badankood u joogaay arimo la xiriira waxbarasho iyo caafimaad.

Afgambigii dhicisoobay ee ka dhacay dalka Turkiga ayaa waxaa taageeradii ugu badneyd ee caalamka waxaa muujiyay Soomaalida meel kasta oo ah joogaan, taasi oo sababtay in diblumaasiyiin Turki ah Soomaalida ku tilmaamaan Geesiyaasha Africa ee haatan.

Soomaali ku sugan dalka Turkiga ayaa waxay qaateen calanja Soomaaliya, waxayna ka qeyb qaateen banaanbaxa ka dhan ahaa afgambigii la soo doonayay inuu ka dhaco dalkaasi, balse fashilmay.

Waxay Soomaalida sheegeen in dalka Turkiga uu yahay dalkooda labaad oo ay ka dhiidhinayaan wax walbaa oo ku dhacaa shacabka dalka Turkiga.

https://www.youtube.com/watch?v=vJm6hPgqUQE&feature=youtu.be

Caasimada Online
Xafiiska Turkiga
Caasimada@live.com