26.2 C
Mogadishu
Wednesday, July 2, 2025

Wasiiro ka tirsan Galmudug iyo Nabadoon caan oo geeriyooday

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya dhanka maamulka Galmudug ayaa sheegaya in shil gaari ay ku dhinteen labo Wasiiro dowle oo ka tirsan Maamulka Galmudug ee uu Hogaamiyo Madaxweyne C/kariin Guuleed.

Wasiirada shilka ku baxay ayaa waxaa la sheegay inay kala yihiin Wasiiru dowlaha Wasaarada Howlaha Guud ee Maamulka Galmudug Aweys Cali Saciid iyo Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyada ee Maamulka Galmudug Cabdi la diif.

Shilkan, ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanka Saddex Higlo, xilli masuuliyiintan ay ka amba baxeen Magaalada Gaalkacyo, kuna sii jeedeen Magaalada Cadaado ee xarunta KMG maamulka Galmudug.

Dadka shilka ku geeriyooday ayaa waxaa sidoo kale kamid ah Nabadoon kasoo jeeday gobolka Mudug iyo hal Askari oo ka mid ahaa ilaalada labada Wasiiru dowle, sida laga soo xigtay maamulka.

Nabadoonka geeriyooday ayaa waxaa lagu magacaabaa Nabadoon C/llaahi Digsi oo ka mid ah waxgaradka Galmudug.

Shilka ayaa yimid kadib markii gaariga uu qalibmay xili darawalka uu xawaaro ku waday gaariga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News