Erdogan oo sheegay maraakiib lala baxsaday iyo cabsi jirta (Aqri)

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogan ayaa goordhow laga soo xigtay in suuragal tahay in caawa mar kale ay soo rogaal celiyaan ciidamada baxsadka ah ee weli ku dhuumanaaya daafaha dalka.

Madaxweyne Erdogaan waxa uu xaqiijiyay in ciidamada baxsadka ah ee aan wali soo galin gacanta dowlada ay la maqan yihiin Maraakiib dagaal kuwaasi oo ay suuragal tahay inay ku carqaladeeyan xasiloonida saacadihii ugu danbeeyay ka taagneyd dalkiisa.

Erdogan waxa uu sheegay in wali ay jirto cabsi balse ay ciidamada iyo shacabka usoo jeedan xaqiijinta amaanka dalkooda islamarkaana aysan ka waaban doonin iska difaacida waxa uu ugu yeeray cadowga ku dhex jira dowlada.

Ka sokow cabsida uu sheegay Erdogan waxaa jira Saraakiil iyo ciidamo tiradooda lagu sheegay Sideed oo helikobtar ku baxsaday kuwaasi oo iska dhiibay dalka Giriiga.

Wasiirka arimaha dibada ee Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa sheegay in Giriiga uu ka codsaday inay usoo celiyaan 8 Sargaal iyo helikobtarka.

Sidoo kale, dowladu waxa ay qirtay in iminka ay gacanta ku heyso askar dhan 3kun oo kamid ah askartii ka qayb qaadatay afgambigii dhicisoobay, balse waxa ay sheegtay inay jiraan tirro farabadan oo baxsatay.

Dhanka kale, waxaa xilkii laga eryay 5 janan iyo 29 kornayl oo lagu eedeeynayo inay xiriir la leeyihiin wadaadka masaafuriska ugu maqan dalka Mareykanka.

Caasimada Online
Xafiiska Ankara
Caasimada@live.com