Hay’adda Nabad-Sugidda oo taliye rasmi ah loo magacaabay

Muqdisho (Caasimada Online) – Shir gaara oo ay Golaha Wasiirada ay hadda ku leeyihiin Xaruntooda magaalada Muqdisho ayaa lagu ansixiyay inuu taliyaha Rasmiga ah ee Hay’adda nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Noqdo Generaal C/llaahi Gaafow Maxamuud.

Gen. Gaafow oo hore madaxweyne Xasan Sheekh ugu magacaabay inuu si KMG ah xilka Taliyaha NISA u hayo ayaa hadda si rasmi ah loogu sharciyeeyay xilkaasi, iyadoo laga qaadayo xilka kale ee hogaanka Socdaalka.

Shirka Golaha Wasiirada Soomaaliya oo aan maanta caadi ahayn waxaa guddoominaya Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid, waxaana looga doodayaa arrimo ku saabsan ammaanka.

Gaafow ayaa xilkan si KMG ah loogu dhiibay kadib markii Cabdiraxmaan Tuuryare xilkan laga qaaday, waxaana iminka uu si rasmi ah u noqonayaa taliyaha hay’adda nabad-sugidda qaranka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com