DF oo dalka ka burisay shaqaale iyo hay’addo Turkiga ka yimid

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya oo isugu yimid shir aan caadi ahayn oo uu shir guddoominayay Ra’isul Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa waxaa looga hadlay Inqilaabkii fashilmay ee ka dhacay dalka Turkiga.

Golaha Wasiirada oo kulankooda uga hadlaayay weerarkii la doonaayay in lagu afganbiyo dowlada Turkiga kaasi oo ay Golaha ay canbaareeyen.

Golaha waxa ay sheegen in dowlada Somalia ay si cad kaga soo horjeedo weerarka lagu qaaday dalka Turkiga waxa ayna dowlada Somalia cadeysay inay sii laba jibaari doonto xiriirka kala dhexeeya dowlada Turkiga.

Xubnaha Golaha Wasiirrada waxay isku raaceen qodobada soo socda iyadoo la tix gelinayo codsiga Dawlada aan walaalaha nahay ee Turkiya:

1- Inla joojiyo adeegyadii ay bixin jirtay Nile Academy ee Dugsiyada, Isbitaalada iyo wixii kale oo hoosyimaada.

2- In howl wadeenada Nile Academy ay mudo 7 cisho gudaheed ah dalka uga baxaan oo ka bilaabaneysa 17 July 2016.

3- Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiya waxay si wada jir ah u balan qaadayaan in adeegyadii caafimaad iyo waxbarasho ee ay bixin jirtay Hay’adaasi sidoodii u socon doonaan. Maamul cusub na loo yeeli doono.

Dhanka kale, Golaha Wasiirrada ayaa shirkoodii maanta si rasmi ah ugu magacaabay Taliyaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka in uu ahaado S/G C/laahi Gaafow Maxamuud.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com