Xog cusub oo kasoo baxeysa cida ka danbeysa Afganbigii Turkiga

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraalo kala duwan oo kusoo baxay qaar kamid ah warbaahinta ka howlgasha dalka Turkiga ayaa waxaa looga faalooday afganbigii dhicisoobay ee ka dhacay dalka Turkiga.

Wakaalada wararka Turkiga ee Anadolu ayaa goor dhow baahisay magaca Sargaalkii hogaaminaayay weerarkii ka dhacay magaalada Ankara kaasi oo lagu doonaayay in lagu inqilaabo dowlada Erdogan.

Wakaalada Anadolu waxa ay magaca Sargaalkaasi ku sheegtay Colonel Muharrem Kose kaasi oo ku jira gacanta dowlada Turkiga.
Wakaaladu waxa ay sidoo kale qortay in ciidamada milliteriga ay xabsi dhigeen qaar ka mid ah saraakiisha hogaamineysay isku dayga afgambiga.

Tirada Saraakiil iyo kuwa ciidam ee iminka ay xirtay dowlada ayaa waxaa cadad ahaan lagu sheegay 756 kuwaasi oo ku lug yeeshay weerarka.

Dowlada Turkiga ayaa sheegtay in garabka ugu weyn ay ka heshay Shacabkeeda waxa uuna Madaxweynaha dalkaasi shacabkiisa uga mahadceliyay garab istaaga dowlada isaga oo xusay in guul ay u tahay shacabkiisa inay iska difaacaan waxa uu ugu yeeray cadaawaha.

Agaasinka guud ee weerarka ayaa waxaa lahaa nin u dhashay dalka Turkiga kaasi oo iminka ku nool dalka Mareykanka, waxa ayna dowlada Turkiga tuhunsan tahay in weerarkaasi ay dhaqaale adag ku bixisay dowlada Mareykanka.

Dowlada Turkiga ayaa laba u kala qaadi doonta ciidamada Milliteriga, waxaana la filayaa in qeyb kamid ah laga eryo shaqada kuwaasi oo xiriir dhow la leh mucaaradka.

Dhanka kale, waxaa saacado un yar ka hor si toos ah hawada ugu soo laabtay Telefishinka Qaranka oo ay xalay qabsadeen Ciidamada afgambiga damacsanaa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com