Xog: FARGEETI oo lagu helay Kiis halis galin kara rajadii Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo aan ka heleyno ilo wareedyo ka tirsan Wasaarada maaliyada, ayaa sheegay in Tuhun uu soo galay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somalia, Maxamed Aadan Ibraahim (Fargeeti).

Ilo wareedka ayaa sheegay in tuhunka uu yahay mid ka dhashay qaabka ay Wasaaradu u bixiso dhaqaalaha kaga imaada dhanka Bankiga Adduunka iyo kuwa saaxiibada la ah Somalia, waxaana Tuhunkaasi muujiyay Saraakiil ka socda Bankiga oo dhawaan soo gaaray Somalia.

Saraakiisha Bankiga ayaa sheegtay inay ku faraxsan yihiin in Somalia ay amaahiyaan dhaqaale balse aysan ku raali noqon doonin in dhaqaalahaasi la mariyo wadooyin khaldan.

Saraakiisha oo tuhunkaani la wadaagay xubno ka kala tirsan wakiilada caalamka ee Somalia jooga ayaa sheegay in baaritaan lixaad leh la sameyn doono ka hor inta aysan dhicin doorashada.

Saraakiisha ayaa Wasiir Fargeeti ku eedeeyay inuu ku kacay dhaqaale isdabamarin, iyaga oo sidoo kale carab dhabay in dhaqaalihii ay ugu tallo galeen in lagu masruufo ciidamada aan wali la bixin.

Baaritaankaani lagu hayo Wasiir Maxamed Aadan Ibraahim (Fargeeti) iyo Xubnaha sar sare ee ka howlgala Bankiga ayaa qaadan doono muddo bil ka yar iyadoo natiijadaasi lagu biirin doono xisaab xirka Dowlada iminka sii dhaceysa.

Tuhunka laga qabo Wasiirka iyo mas’uuliyiinta Bankiga dhexe iyo kuwa Wasaarada ayaa kusoo aadeysa xili Somalia ay cagta dhigtay xiliga kala guurka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com