Xog cusub: Mareykanka oo xil cusub u dhiibaaya Barre Hiiraale

Muqdish (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka heleyno xubno ku dhow dhow Col. Barre Hiiraale, ayaa sheegay in Korneelka uu ballanqaad ka helay dowlada Mareykanka.

Wararku waxa ay sheegayaan in Col. Barre loo ballanqaaday in loo magacaabi doono Taliyaha guud ee ciidamada Alpha Group-ta ee dhawaan loo aasaasayo Gobolada Jubbooyinka.

Ciidamadaani ayaa waxaa kor ka maamuli doona dowlada Mareykanka waxaana Taliye guud looga dhigi doonaa Col. Barre Hiiraale oo isaga hogaamin doona ciidamadaasi ay sida gaarka ah u tababari doonaan Saraakiisha Mareykanka ka joogta Kismaayo.

Ciidamada Alpha Group ee la filaayo in Col. Barre looga dhigo Taliyaha ayaa waxa ay ka amarqaadan doonaan keliya Mareykanka iyo Barre Hiiraale, iyadoo maamul ahaana ay magaca un ka wadaagi doonaan maamulka Jubbaland.

Col. Barre Hiiraale oo wali ku howlan la kulanka Saraakiisha Mareykanka ayaa waxaa lasoo sheegayaa in iminka loo qabtay muddo kooban waxaana la filayaa in lasiiyo Gaadiid, Xarumo iyo Hub.

Si kastaba ha ahaatee, xogtaani cusub ayaa daboolka ka qaadeysa in dowlada Mareykanka uu madaxa isku galinaayo maamulka Jubbaland iyo Col. Barre Hiiraale oo aanu kawada dhexeyn wax calaaqaat ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com