XOG: Wasiirada B/Habar Gidir oo qarka u saaran inay Is Casilaan

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa weli magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ka socda kulamo gaar gaar ah oo u dhexeeya Wasiirada, Xildhibaanada, Siyaasiyiinta, Odayaasha Beesha Habar gidir, kaasi oo looga soo horjeeda Dowlada uu Hogaamiyo Madaxweyne Xassan Sheekh.

Shirarkaani ka socda magaalada Muqdisho ee u dhexeeya Beesha Habar gidir ayaa waxaa hogaaminaaya Odayaasha dhaqanka oo aad kaga soo horjeeda Xassan Sheekh, waxaana lasoo sheegayaa in mowqifkooda uu yahay in Madaxweynaha loo baneeyo dhammaan xilalka ay Siyaasiyiinta Beesha ka hayaan Xukuumada Somalia, sida Wasiirada iyo ku-xigeenadooda.

Odayaasha qaar ayaa soo jeediyay in laga cad goosto Xassan Sheekh ka hor inta aanu ka degin xilka waxa ayna tilmaameen in la arbusho jiho waliba oo uu ka heli karo taageero.

Waxa ay sheegen in Xassan Sheekh uu meel uga dhacay jiritaankooda sidaa aawgeedna aysan suuragal aheyn in mudada harsan ay lasii shaqeeyan dowladiisa, iyaga oo ku taliyay in lagu raaco mowqifkooda ah in Wasiirada iyo ku-xigeenadooda ee kasoo jeeda Beesha ay is casilaan.

Sidoo kale, Odayaasha qaar ayaa iyaguna qaba inaan leys casilin, balse ay muhiim tahay in xariga loo jaro Madaxweyne Xassan Sheekh oo ay ku sifeeyen inuu yahay mid digtaatoori ah oo aan laheyn axdi.

Waxa ay soo jeediyeen in muddo kooban lasiiyo Xassan Sheekh waa haddii uu ku dhiiranaayo dib u wanaajinta Beesha Habar gidir, walow ay sheegen inaysan ka fileynin isbedel wakhti intaa kasii badan.

Beeshaani ayaa Madaxweyne Xassan ku eedeysay inuu xumeeyay xiriirkii kala dhexeeyay tan iyo markii uu sameeyay isku shaandheyntii ugu danbeysay.

Madaxweyne Xassan Sheekh weli kama uusan jawaabin shirarka iyo eedeymaha, balse waxaa lasoo warinayaa inuu wado dadaalo uu xal ugu raadinaayo qeyla dhaanka kasoo yeeraaya Beesha Habar gidir.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com