Xiisada Puntland & Somaliland oo soo laabatay iyo wasiir hanjabay

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga ee Puntland ayaa ka hadlay xiisada colaadeed ee ka taagan degaano ka tirsan xuduuda u dhaxeyso Puntland iyo Somaliland, xiisadaasi oo marar badan halkaasi kusoo laalaabatay.

Cabdi Xersi Qarjab, wasiirka amniga ee Puntland oo saxaafada kula hadlay magaalada Gaalkacyo ayaa ka hadlay xiisada kataagan gobolka Sanaag, taasi oo uu ku sheegay daandaansi Somaliland ay wado.

Wasiir Cali Xersi Qarjab, wuxuu sheegay in xiisada ka taagan deegaanada Sanaag ay ka dambeeyaan Somaliland, islamarkaana waxii ka dhashaa masuuliyadeeda ay qaadayaan madaxda Somaliland, sida uu hadalka u dhigay.

Saansaan colaadeed ayaa laga dameeyaa deegaano ku yaala gobolka Sanaag, waxaana maamulka Puntland ay shegeen iney ka dambeeyaan maamulka Somaliland.

Dagaal beeleed u dhaxeeyo maleeshiyaad ku abtirsada labada maamul ayaa marar badan ka dhacay deegaanada Sanaag iyo sool.

Wasiir Qarjab wuxuu ku hanjabay in Puntland ay iska difaaci doono cid walbaa oo gardareysataa.

Caasimada Online
Xafiiska Mudug
Caasimada@live.com