Sawirro: XASAN SHEEKH oo ka dhoofay magaalada MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Xassan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u ambabaxay dalka Rwanda, isagoo ay halkaasi kusoo dhaweeyen madaxda dalkaasi.

Madaxweyne Xassan ayaa waxa uu isla maanta ka geday magaalada Kigali ee caasimadda Jamhuuriyadda Rwanda, waxaana lagu wadaa in halkaasi uu uga qeybgalo Shir Madaxeedkii 27-aad ee Midowga Afrika oo halkaasi ka dhici doona.

Xassan Sheekh ayaa inta uu halkaasi jooga sidoo kale ka qeybgali doona Shir Madaxeed aan caadi ahayn oo ay isugu imaan doonaan madaxda dalalka xubnaha ka ah Urur Goboleedka IGAD.

Shirkaasi ayaa waxaa looga hadli doonaa xaalada kacsan ee ka taagan dalka South Sudan iyo weliba hannaanka siyaasadda ee Somalia, gaar ahaan arrimaha doorashada 2016-ka iyo amniga dalka.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu si hordhac ah kula kulmay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka ee arrimaha Afrika Linda Thomas-Greenfield.

Xassan iyo Kaaliyaha waxa ay kawada hadleen xiriirka labada dal, xaaladda dalka Soomaaliya, dhinacyada siyaasadda, doorashada 2016 iyo arrimaha amniga.

Dhanka kale, waxaa war-murtiyeed laga soo saari doonaa shirka ka furmaaya magaalada Kigali ee caasimadda Jamhuuriyadda Rwanda.
Xasan sheekh 1

Xasan sheekh 2

Xasan sheekh 3