DF iyo IGAD oo sii kala fogeeyey maamullada K/G iyo Bakool Sare

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Magaalada Ceel-Barde ee gobolka Bakool, ayaa sheegaya wafdiga DFS iyo IGAD, ay sii qaseen shirarkii leysugu soo dhaweynaayay maamulka Koonfur Galbeed iyo maamulka lagu magacaabo Bakool Sare oo dhawaan looga dhawaaqay degmada Ceel-barde.

Wararku waxa ay sheegayaan in Wafdigaasi ay si bareer cad ula safteen Siyaasiyiinta kasoo horjeeda maamulka Koonfur Galbeed gaar ahaan garabka dhawaan ku dhawaaqay maamulka Bakool Sare.

Wafdiga oo u badan xubno kasoo jeeda Beesha Ogaaden ayaa la sheegay inay ka dhamaan waayen xubnaha Bakool Sare kuwaasi oo dhaqaale adag ka hela maamulka Jubbaland.

Maamulka Bakool Sare ayaa waxaa ku mideysan Siyaasiyiin xil ka weysay maamulka Koonfur Galbeed oo garab ka helay maamulka Jubbaland, kuwaasi oo iyaguna maslaxad u arka in Bakool Sare laga saaro Koonfur Galbeed.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xassan uu qaadacay in xubnaha ka socda DFS iyo IGAD uu kala hadlo dadaalada xalka loogu raadinaayo khilaafka labada dhinac, balse Shariif ayaa sheegay in la kulanka xubnahaasi uu noqon doono mid iska caadi ah, sida ay xogtu sheegeyso.

Isku soo dhaweynta Koonfur Galbeed iyo Bakool Sare ayaa la sheegay inuu qasay Ambassador Afey, waxaana jira warar sheegaya in maamulka Koonfur Galbeed aan lagu qancin wada hadalka laga dhex wado labada dhinac.

Geesta kale, waxaa laga cabsi qabaa in fashil uu kusoo dhamaado wada hadalka laga dhex abuuraayo Koonfur Galbeed iyo Bakool Sare, iyadoo sabab looga dhigay qaabka uu wada hadalka ku bilowday iyo shakiga Koonfur Galbeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com