“Turkiga waxii ka dhacay marna ma aqbali karno” Waxaa yiri….

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Soomaaliya ayaa war saxaafadeed ay soo saartay waxay kaga hadashay afgambigii dhicisoobay ee xalay ka dhacay dalka Turkiga, kaasi oo ka dhan ahaa madaxweyne Erdogan.

Qoraalka kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in wax laga xumaado ay tahay dhacdadii xalay ka dhacday dalka Turkiga, taasina ay muujineyso sida shacabka ay kaga soo horjeedaan dad dhibaato u keeni kara.

Dowlada Soomaaliya ayaa sharwadayaal ku tilmaamtay ciidamadii militariga Turkiga ee doonayay iney afgambiyaan dalka Turkiga, balse markii dambe ku fashilmay.

“Waa wax aanan la aqbali karin in la bedelo Dimuqraadiyada dadka reer Turkiga Sharwadayaal ciidamada ka mid ah inay isku dayaan inay dhibaato ka abuuraan ammaanka dalka Turkiga, waa wax fashilmay.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Xasan Sheikh Maxamuud ayaa dhambaal u diray shacabka iyo dowlada Turkiga, isaga oo sheegay in midnimada Shacabka ay keentay in laga hortagaa iskudaygii la doonayay.

Turkiga ayaa taageero muuqata siiyay shacabka iyo dowlada Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com