Sawirro: Madaxweyne Erdogan oo Muqdisho looga banaanbaxay

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Gobolka Banaadir ayaa qabtay banaanbax looga soo horjeedo isku daygii xalay ka dhacay dalka Turkiga oo ciidamada militariga qaarkood ay wadeen.

Banaanbaxa ayaa waxaa waday qaban qaabadiisa gudoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir waxaana lagu taageeray madaxweynaha dalka Turkiga Mr Erdogan.

Waxaa siweyn looga soo horjeedaa isku daygii Afgambi ee faashilmay kaasi oo ka dhacay dalka Turkiga, iyadoo maamulka gobolka uu sheegay iney muujiyeen sida ay Turkiga u taageersan yihiin  midnimadooda.

“Banaanbaxan wuxuu ku saleysnaa oo maanta shacab weynaha Somaliyed ee Xamar degan isugu soo banaanbaxeen oo fagaaraha waaweyn ay isugu imaandeen iyadoo aanan qof ka hareyn, waxa ay aad iyo aad uga xun yihiin arintii ka dhacday dalka Turkiga aad ayeey uga soo horjeedaan”

“Shacabka Somaliyed waxay aad u taageersan yihiin Dowladda Turkiga oo walaalo gaar ah la leh Umadda Somaliyed, waxaan u soo baxeynaa Jiritaanka Dalka Turkiga.”Ayuu yiri Xalane.

Turkiga ayaa taageero kala duwan siiyay dowlada Soomaaliya, waana midda keentay in shacabka Soomaaliyeed ay sida walaalahood u dareemaan shacabka Turkiga.

13690766_1815662851997077_4294046629437247623_n 13709988_1815662895330406_448631225621098842_n 13731523_1815662848663744_1196454424338699699_n 13731667_1815662898663739_2626952398021052506_n 13731682_1815662861997076_9130840430017793082_n
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com