Soomaalida dalkooda 2aad waa Turkey, maxayse ka baran karaan

Ankara (Caasimada Online) – Dadweyne aad u badan oo Soomaaliyeed ayaa hadal haya si ka duwan sida caalamka u hadal hayaan afgambigii dhicisoobay ee ka dhacay dalka Turkiga, kaasi oo ciidamada militariga ay isku dayeen iney sameeyaan.

Magaalooyinka ee dalka Soomaaliya ayaa waxaa laga hadal hayaa dhacdadaasi iyo isku duubnida ay sameyeen shacabka dalkaasi, waxaana ay muujisay in Soomaalida ay leeyihiin dalka Turkiga, iyagoo ka eedeya muslinimada iyo caawinaada Turkiga ee Soomaaliya.

Dadweyne badan oo ku nool magaalada Muqdisho oo ka kooban dhalinyaro iyo dad waaweyn ayaa muujiyay dareenkooda waxayna u dhafreen ilaa xili dambe iney ogaadaan natiijada afgambiga dhicisoobay ee kadhacay dalka Turkiga.

Baraha Internet-ka ee Soomaalida ay adeegsato waxaa kaliya ee qabsaday Turkiga iyo wacii ka dhacay, waxayna badankood ay ahaayeen kuwo ku duceysanayay in Turkiga uusan noqon dal dhibaato horleh la geliyo.

Qorshaha laga lahaa afgambiga ayay qaarkood Soomaalida waxay ku sheegeen iney tahay burburinta awooda hogaanka Muslimka ah ee dalka Turkiga, taasi oo dhibaato kale ku noqon laheyd wadamada Islaamka, sida laga dheehan karay qoraalada Soomaalida ay Facebook iyo meelaha kale ay soo dhigayeen.

Qaar kamid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa dhankooda ka hadlay dhibaatadii dalka Turkiga, waxayna sheegeen iney muujineyso in Soomaalida looga baahan yahay iney ku daysadaan shacabka dalka Turkiga oo midnaan ay muujiyaan.

Caasimada Online
Xafiiska Ankara
Caasimada@live.com