Sawirro: Saraakiishii la qabtay ee horkacayey Afganbiga Turkey

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada dowlada Turkiga ayaa goordhow bilaabay in magaalada Ankara ay dhex wareejiyaan Saraakiil iyo Askar kamid ahaa kuwii soo qaaday weerarka Inqilaabka fashilmay.

Ciidamada dowlada ayaa waxaa Saraakiisha iyo Askarta fulineysay Inqilaabka usoo gacan galshay dad shacab ah oo iyagu kasoo horjeeday in talada laga tuuro Madaxweynaha dalkaasi Recep Tayyip Erdoğan.

Saraakiisha iyo Ciidamada loo adeegsanaayay Inqilaabka ayaa si hoose ula shaqeyn jiray Kooxaha kasoo horjeeda nidaamka ka shaqeeya dalka Turkiga ee goobaha qaar weerarada ka geysta.

Duulaan wadayaasha ayaa dhibta ugu badan kala kulmay dadka shacabka ah kuwaasi oo qaarkood lagu waxyeeleeyay gaadiid, halka qaarna dhaawacyo xoogan ay kasoo gaaren wajiga.

Sidoo kale, warbaahinta kasoo baxda dalka Turkiga waxa ay sheegtay in ciidamadu ay toogasho ku dileen 12 Sargaal oo hogaamineysay weerarka afganbinta, halka Seddex meelood laba meelna nolosha lagu qabtay.

Tu 2

Tu 3

Tu1

Tu 15

Tu 16

Tu 17

Tu 18

Tu 19

Tu 20