Afganbigii Turkey oo dhicisoobay, Erdogan oo hadal cajiib jeediyey

Istanbul (Caasimada Online) – Afgambi la doonayey in lagu rido dowladda Turkiga, oo ay qaadeen koox ka mid ah milatariga ayaa iminka u muquda mid dhicisoobay oo lagu fashilmay.

Inkasta oo waddooyinka magaalooyinka Istanbul iyo Ankara weli lagu arko qaar ka mid ah ciidamada milatariga, haddana waxaa muuqata in afgambigu uu guul darreystay.

Malaayiin shacab ah ayaa waddooyinka isugu soo baxay kana hortagay ciidamadii afgambiga waday, kadib markii uu sidaas ugu baaqay madaxweyne Erdogan.

shacabka

Madaxweyne Erdogan oo maqnaa markii uu afgambiga billowday ayaa iminka kusoo laabtay magaalada ugu weyn dalkaas ee Istanbul, isaga oo taleefishinka kala hadlay warbaahinta.

Waxa uu sheegay in koox yar oo ka tirsan ciidamada ay sharaftii iyo midnamadii Turkiga waseeqeeyeen ayaga oo isku dayey inay ridaan xukuumadda.

“Kuwaasi waxa ay bixin doonaan qiimo weyn oo ah abaal marinta wixii ay ku dhaqaaqeen” ayuu yiri madaxweynaha.

Waxa uu sheegay “in afgambigan dhicisoobay uu caddeyn kale u yahay in ciidamadu u baahan yihiin in la nadiifiyo”.

“Turkey waxay leedahay dowlad iyo madaxweyne si dimoqraadi ah loo doortay. Inaga ayaa dalka maamulna, waana sii wadi doonaa inaan awoodda sii hayno inta waqtiga naga dhammaanayo. Uma ogolaan doonno in koox yar na qabsato” ayuu yiri Erdogan.

Inkasta oo weli aysan caddeyn cidda si rasmi ah gacanta ugu haysa maamulka dalka, dowladda iyo mialatariga, haddana muuqaalada kasoo baxaya Istanbul malaayiinta shacab ee taageerada u muujiyey Erdogan, waxay bixinayaan astaan ah in afgambiga uu fashilmay.

Waxaa cajiib ah in la arkayey shacab hubka ka dhigay qaar ka mid ah ciidamada oo gacmaha kasoo katiineeyey.

Dhammaan shacabka, dowladda, suxufiyiinta iyo xisbiyada mucaaradka ayaa muujiyey isku duubni, kana soo horjeestay afgambiga

Caasimada Online
Xafiiska Istanbul
Caasimada@live.com