Beesha HAWIYE oo 9 qodob soo saartay: Xasan sharci ma ahan.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaasha, waxgaradka Beelaha Hawiye oo shir ku yeeshay Muqdisho ayaa soo saaray qoddobo ku saabsan xaaladaha uu dalku ku sugan yahay ee dhinacyada Siyaasadda, Dhaqaalaha, arrinta Muqdisho iyo doorshooyinka 2016.

Nabaddoon Abuukar Sheekh Cusmaaan (Ganey) ayaa ku eedeeyay ciidamada dowladda iyo madaxda inay hor istaageen kulankii ay qabsan lahaayeen, balse aysan sidaasi uga harin ee ay shirkoodii ku qabsadeen goob gaara ayna uga hadleen masiirkooda.

Nabaddoon Jimcaale Maxamed Nuur oo hadalkii ugu kululaa kulanka ka jeediyay ayaa sheegay inuu dhammaaday xilkii uu Xasan Sheekh umadda u hayay, “Waxaanu u sheegaynaa Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud inuusan sidaan Madaxweyne ku ahaan karin, haddii aad ka hor timid Wax-garadkii Madaxda kaa dhigay, way dhammaatay sharciyadaasii.” ayuu yiri Nabadoonka.

Kulanka waxaa laga soo saaray baaq ka kooban qoddobo dhow ah oo uu saxaafadda u akhriyey C/llaahi Xasan Abuukar (C/llaahi Dheere).

Qodobada waxay kala yihiin:

1 – Waa inay dowladdu ka waantowdo ku takri falka awoodeed ee ay ku caan baxday

2 – In dowladdu joojiso marin habaabinta Geedi socodka Doorashooyinka 2016.

3 – In dowladu joojiso faragelinta ay ku hayso xulshada ergooyinka beelaha una ogolaato inay si xor ah isku doortaan.

4 – In dowladu ka waantowdo u adeegsiga Hantida Qaranka Danaha Siyaasadeed ee shaqsiga ah.

5 – Shacabka Soomaaliyeed waa inuu isu taagaa difaacida Qarannimada, Madax-baannida iyo midnimada Ummadda.

6 – Ummaddda Soomaaliyeed waxaan ku boorrineynaa inay meel uga soo wada jeestaan badbaadinta Qaranka Soomaaliyeed.

7 – Beesha Caalamka waxaan ugu baaqeynaa inay dhexdhexaad ka noqoto arrimaha Soomaalida, dhegeystaana codka Shacabka Soomaaliyeed.

8 – Waxaan kaloo Beesha Caalamka weydiisanaynaa in aysan xaqdarro ku taageerin hoggaanka Dalka.

9 – Waxaan ugu baaqayaa Beesha Caalamka inay ka hor-istaagaan madaxda dalka ku takri-falka awoodeed iyo fara-gelinta Qaawan ee ay ku hayso Doorashooyinka.

Caasimada Online
Xafiiska Istanbul
Caasimada@live.com