Xog: Amisom oo fal naxdin leh ka billowday Hiiraan iyo gabdho la…

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaray Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in deegaano hoostaga Gobolkaasi ay ciidamada AMISOM ka bilaaben falal isugu jira Kufsi iyo boob.

Wararku waxa ay sheegayaan in cutubyo ka tirsan ciidamada AMISOM ay halkaasi ka qafaasheen caruur yar yar kuwaasi oo ay kula kaceen fal kufsi ah.

Carruurta falkaasi ay ciidamada AMISOM kula kaceen ayaa waxaa la sheegayaa in da’dooda ay u dhexeyso 12 ilaa 14 sano, inkastoo ay Saraakiisha ciidamada ankireen falkaasi foosha xun.

Mustaf Saciid Cali oo kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in ciidamada ay qafaasheen ilaa Seddex gabar oo aad u yar kuwaasi oo ay faraxumeeyen, waxa uuna sidoo kale sheegay in ciidamada ay qariyeen carruurtaasi ay faraxumeeyen.

Col. Maxamed Cumar Cabdulle oo ah Abaanduulaha Ciidamada Xoogaga ee Gobolka Hiiraan, oo la hadlaayay warbaahinta Muqdisho ayaa isna sheegay in wararka sheegaya kufsiga uu yahay mid wax kama jiraan ah.

Col. Maxamed waxa uu sheegay in dhowr jeer ay heleen dacwad noocaasi ah balse ay waayen meel ay u raacan, sidaa aawgeedna uu falkaasi ku beeniyay.

Waxa uu been abuur ku tilmaamay hadalkaasi la xiriira Kufsiga waxuuna intaasi ku daray in Ciidamada AMISOM ay dalka u joogan sugida Nabada.

Sidoo kale, Col. Maxamed waxa uu cod dheer ku sheegay in Ciidamada AMISOM ay yihiin kuwa u jooga sidii ay Dowladda Federaalka uga taageeri la haayeen helida Nabad iyo Xasilooni.

Haddalka Col. Maxamed ayaa kusoo beegmaaya xili Saraakiisha ciidamada dowlada ay la saftaan ciidamada shisheeye ee ka howlgala Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Istanbul
Caasimada@live.com