Xog cusub: Kenya oo bedeshay mowqifkeeda xerada Dadhab

Nairobi (Caasimada Online) – Iyadoo dhawaan dowlada Kenya ay ka dhawaajisay go’aan ay ku xireyso xerada Qaxootiga dhadhaab, ayaa waxaa soo baxaaya warar sheegaya in isbedel uu ku imaaday mowqifka Kenya ee xiritaanka xeradaasi.

Mowqifkaani cusub ayaa yimid kadib markii magaalada Nairobi uu kulan gaar ah ku dhexmaray mas’uuliyiin ka kala tirsan Kenya, Somalia iyo Hay’adda UNHCR.

Kulankaani oo saacado badan qaatay ayaa waxaa la sheegay in lagu go’aamiyay in dib loo dhigo xeritaanka Xerada dhadhaab ilaa ay Somalia ay ka gudbeyso xiliga doorashada.

Muuqaal laga baahiyay Telefeshinka Qaranka Kenya oo ku saabsan natiijada kasoo baxday kulanka seddexda dhinac ku dhexmaray magaalada Nairobi ayaa muujinaaya is afgarad ku aadan dib u dhac lagu sameeyo xeritaanka Xerada.

Waxyaabaha sadaxda dhinac isku afgarteen waxaa kamid ah in dib ucelinta qaxootiga xerada Dhadhaab ay noqoto mid aan qasab ahayn ayna noqonin mid ku xiran wakhti.

Waxaa leysku afgartay in dib u laabashada qaxootiga lagu saleeyo mid ku xiran duruufaha kajira dalka Somalia, waxa ayna dowlada Kenya aqbashay in xerada ay sii furnaato inta laga helaayo jawi ka duwan kan iminka Somalia ka jira sida doorashada iyo amni darada.

Kenya waxa ay sheegtay in ugu danbeyntii ay xireyso dhadhaab, balse iminka ay fursad ku xiran xiliga doorashada siineyso qaxootiga, halka go’aankii hore uu ahaa in si degdeg ah qaxootiga loogu celsho Somalia.

Sidoo kale, waxaa lagu heshiiyay in tirada qaxootiga xerada Dhadhaab kujira daba yaaqada sanadkan lagu soo reebo 150 kun oo kaliya.

Dowlada Kenya waxa ay tanaasul ka muujisay mowqifkii adkaa ee ahaa in albaabada leysugu dhufto xerada.

Dhanka kale, isbedelka arrintaani ayaa kusoo beegmeysa xili wada hadal dhanka Telefoonka ah uu dhexmaray madaxweynayaasha Kenya iyo Mareykanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com