“Suuragal maaha in si joogta ah aan ugu jirno baroordiiq iyo tacsi”

Muqdisho (Caasimada Online) – iyadoo magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia dhaxal u yeelatay Qaraxyo, dilal iyo tacadi ayaa waxaa arrinkaasi ka hadlay Xildhibaan Caasha Xaaji Cilmi oo ka tirsan baarlamaanka Somalia.

Xildhibaan Caasha oo u warameysay Idaacada VOA laanteeda afka Soomaaliga, ayaa sheegtay inaan suuragal aheyn in mar waliba Soomaali ay ku jirto baroordiiq iyo tacsi waxa ayna taasi ay sabab uga dhigtay dhinacyada iska soo horjeeda.

Xildhibaan Caasha, waxa ay sidoo kale sheegtay inay dareemeyso in arrintaani dhibka badan ay sabab u tahay kala daadsanaanta iyo fakirka oo aan meesha oolin, waxa ayna intaa kusii dartay in meesha ay ka maqan tahay mas’uuliyd iyo hoggaanka.

Caasha Xaaji ayaa soo jeedisay in la isku tashto oo ciidanka Somalia la garab galo, si ay tiri meesha looga saaro cadaawaha.

Xildhibaan Caasha oo arrintaani dhibka badan ka hadleysa ayaa tiri ”waa arrin xanuunbadan suuragal matahay in mar waliba aan ku jirno baroordiiq iyo tacsi, waa inaan tashanaa oo aan wax iska bedelnaa”

Dhanka kale, Xildhibaan Caasha ayaa meesha ka saartay in dhibka iyo Qaraxa lagu hayo shacabka Soomaalida ay tahay mid keentay itaal dari.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com