Khilaaf ka dhex curtay Xasan iyo taliyaha cusub ee NISA (Xog)

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Taliyaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ahna Taliyaha KMG Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka Somalia Ge. Cabdullahi Gaafow.

Kulanka ayaa la sheegay inuu ahaa mid ka imaaday dhanka Gaafow, kadib markii uu ashtako ka muujiyay xilka sida KMG ah loogu dhiibay ee NISA, isaga oo Xassan Sheekh u sheegay in xiligaani uusan diyaar u aheyn inuu ka dhexmuuqdo Hay’adaha amaanka iyo Siyaasada, balse doonaayo inuu ku biiro Odayaasha dalka.

Gaafow waxa uu Xassan Sheekh u sheegay inaanu ku qanacsaneyn labada xil ee uu DFS u hayo, balse uu doonaayo Guddoomiyaha aqalka sare ee dalka, maadaama uu xiligaani yahay shaqsi da’ ah.

Ilo u dhoon-daloola arrintaani ayaa sheegay in Madaxweyne Xassan uu soo dhaweeyay hamiga Gen. Gaafow sidoo kalane kalsooni kala imaaday Beesha Murusade ee uu kasoo jeedo.

Ilo wareedka ayaa sheegay in Gen. Gaafow loo ogolaaday xilkaasi, balse Hay’adda NISA uu si KMG usii heyn doono ilaa laga gaaro wakhtiga dhismaha aqalka sare.

Xassan Sheekh ayaa isaga doonaaya in Gaafow uu ka qaado labada xil ee kan NISA iyo kan socdaalka, balse waxa uu iminka sii ahaan doonaa KMG ilaa looga dhawaaqo dhameystirka Aqalka sare.

Geesta kale, waxaan la ogeyn sida uu xaalka noqon doono, waxaana mar waliba suuragal ah in Xassan Sheekh uu ballanta uga baxo Gen. Gaafow sida caadaduba u ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com