Xog cusub: Maxaa ka mid ah qodobada weli ay isku hayaan DF iyo maamullada?

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa shirka weli Muqdisho uga socda Madaxda Qaranka iyo Hogaamiyayaasha maamul Goboleedyada ka jira dalka.

Sida ay sheegayaan wararka laga helaayo Madaxtooyada Somalia shirka ayaa weli la isku mari la’ yahay kadib markii labada dhinac ay ka biya diidan yihiin qodobada horyaal qaarkood.

Qodobada la isku mari la’ yahay ayaa waxaa diidan Hogaamiyayaasha maamul Goboleedyada waxaana la xaqiijiyay in qodobadaasi ay kamid yihiin burburin lagu sameynaayo Gole dhawaan ay ku sameysteen shirkii ka dhacay magaalada Kismaayo.

Shirkaan ayaa ah mid dhaafay waqtigii loogu tala galay in lasoo gabagabeeyo, waxaana qodobada la iskumari la’yahay sidoo kale ka mid ah Arrimaha dib u eegista dastuurka, habka awood qaybsiga khayraadka dalka iyo wada shaqeynta dowladda Dhexe iyo maamulada.

Sidoo kale, ismari waaga ayaa ka dhashay qodob la sheegay inuu yahay in Hogaamiyayaasha laga qeyb galiyo go’aamada muhiimka ah ee Arrimaha dibadda.

Dowlada Dhexe ayaa dooneysa in dhammaan waxyaabaha khuseeya awoodaha in iyada looga danbeeyo, maadaama awooda ugu sareysa dalka iyo go’aan ka gaarista arrimaha qaar ay iyada leedahay.

Geesta kale, waxaa suuragal ah in maanta oo Axad ah lasoo afjaro shirka, inkastoo aanu jirin heshiis weli laga gaaray shirka weli socda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com