Xog: R/W Kheyre oo isku shaandheynaya saddex wasaarad

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan kasoo xiganay Sarkaal ka tirsan Xafiiska Ra’isul wasaare Kheyre, waxaa socda qorsho isku shaandheyn loogu sameynaayo Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia.

Sarkaalkan ayaa sheegay in sababta loo magacaabi la’ yahay Wasiirka Difaaca Somalia, ay qeyb ka tahay isku shaandheyn la sheegay in lagu sameynaayo gabi ahaan Golaha si meesha looga saaro tabashooyin ay qabaan qaar kamid ah beelaha.

Beelaha qaar ayaa qaba dhaliil ay ka muujinayaan Wasaaradaha ay ka heleen Xukuumada, kuwaa oo sabab u noqday in la diyaariyo isku shaandheyn, maadaama ay sii kordhayaan dhaliilaha ay u jeedinayaan dowlada.

Wasaaradaha leysku mari la’ yahay ayaa waxaa kamid ah Wasaarada Arrimaha Gudaha, Dibadda iyo Difaaca, waxaana arrintaani sii adkeynaaya Hogaamiyayaasha maamul Goboleedyada oo qeyb ka ah la-tashiyada la doonaayo in lagu soo xulo Xukuumada, waana tan keentay in dib u dhacyo farabadan uu ku imaado shirka Dowlada Dhexe iyo Maamul Goboleedyada.

Wasaarada Difaaca ayaa la sheegay inay isku hayaan maamulada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland oo inta badan isku bedela Wasaaradaasi.

Qorshaha isku shaandheynta ayaa qeyb ka ah Heshiis uu Ra’isul wasaare Kheyre la galay Xildhibaanada baarlamaanka Somalia oo iyagu dhawaan ka keenay Mooshin xil ka qaadis ah, waxa uuna heshiisku ahaa in leysku shaandheeyo Golaha, si Xildhibaanada qaar ay u helaan kuraasta Xukuumada.

Sidoo kale, isku shaandheynta ayaa waxaa aad looga hadal hayaa inta badan magaalada Muqdisho, gaar ahaan xarumaha dowlada, inkastoo aan la ogeyn maalmaha ay qaadan doonto.

Dhinaca kale, waxaa jira Wasiiro dhowr ah oo aan kasoo dhalaalin shaqooyinka loo igmaday kuwaa oo ay suuragal tahay inay galaafato seefta Kheyre.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com