Xog cusub oo kasoo korortay khasaaraha duqeymihii ka dhacay Calmiskaad + Sawirro

Boosaaso (Caasimada Online) – Xogo cusub oo dheeraad ah ayaa laga helayaa duqeymo diyaaradeed oo uu Mareykanka ka fuliyay buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, halkaas oo ay ka socdaan howl-gallo culus oo ka dhan ah kooxda Daacish.

Duqeymahan oo la fuliyay fiidkii 21-kii Febraayo iyo shalay 22-kii Febraayo 2025-ka, ayaa waxaa lala beegsaday maleeshiyaad ka tirsan kooxda Daacish ee ku sugan halkaasi. Qiimeynta hore ee hawl-galka ayaa muujineysa in saddex xubnood oo ka tirsan Daacish lagu dilay duqeymaha.

Sawirro cusub oo laga helay goobta duqeymahan ka dhaceen ayaa waxay muujinayaan gaadiid nooca loo yaqaano Hardtop-ka ama Soomaalidu u taqaano qooqanta, iyo mootooyin ku shuf beelay, kuwaasi oo lala beegsaday duqeymaha ka dhacay buuraha Calmsikaad.

Ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa haatan ku sugan goobaha duqeymaha ka dhaceen, iyagoo dhul hor leh ka saaray kooxda Daacish ee ku dhuumaalaysanaysa buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.

Howl-gal dhowr jiho ah oo maanta ay qaadeen Daraawiishta Puntland ayay ku guulaysteen in ay Daacish ka saaraan aagga deegaannada Curaar iyo Gaatir-oodan oo ka mid ah saldhigyadii ugu muhiimsanaa ee argagaxisadu haysatay.

Ciidanka ayaa goobta ugu tagay gawaari iyo mootooyin ay ku habsadeen duqeymihii ugu dambeeyay ee laga fuliyay buuraha gobolka Bari, waxaana sawirrada laga dheehan karaa jabka halkaas kooxda lagu gaarsiiyay.

Si kastaba, duqeymahan oo lagu taageerayo hawl-galka geesiyaasha ciidanka Daraawiishta Puntland ay ku cirib-tirayaan maleeshiyaadka Daacish ayaa sii socon doona, sida ay xaqiijiyeen saraakiil sare oo ka tirsan ciidanka Soomaaliya.