26.7 C
Mogadishu
Monday, March 16, 2026

Xog ka cusub wada-hadalka DF iyo Golaha Mustaqbalka iyo Xasan oo ka cagajiidaya…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xogo dheeraad ah ayaa ka soo baxaya wada-hadallada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka, kuwaas oo saaka baaqday.

Kaddib baaqashadii kulankii maanta loo ballansanaa, waxaa soo baxaya warar sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka cagajiidayo la kulanka guddiga kooban ee ay soo xuleen Golaha Mustaqbalka.

Sida aan hore u baahinay, madaxda Golaha Mustaqbalka ayaa xalay yeeshay shir kadib markii ay ka soo baxeen wada-hadalladii Khamiistii ka furmay xarunta Villa Soomaaliya. Golaha ayaa isku raacay in xubno kooban loo diro wada-hadallada si ay ula fariistaan Madaxweyne Xasan Sheekh.

Xubnahan waxaa ka mid ah: Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni; madaxweynihii hore, Shariif Sheekh Axmed; ra’iisul wasaarihii hore, Xasan Cali Kheyre; Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur; iyo Xildhibaan Cabdullaahi Carab.

Xubnahan ayaa goluhu u doortay inay si gaar ah ula xaajoodaan Madaxweyne Xasan Sheekh, si loo abaaro qodobada la isku hayo, isla markaana natiijo wax ku ool ah looga gaaro wada-hadallada bilowday.

Kadib markii uu bannaanka u soo baxay go’aanka Golaha Mustaqbalka, waxaa la sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu shardi uga dhigay mucaaradka inay u yimaadaan iyagoo dhammaystiran.

Xogtu waxay tilmaamaysaa in Madaxweynuhu rabo inuu ka faa’iidaysto kala aragti-duwanaanshaha iman kara marka ay dhammaan hoggaanka mucaaradku wada joogaan.

Xasan ayaa la sheegay inuu aaminsan yahay in guddi kooban ay ku adkayn karaan gorgortanka, halka kulanka guud uu fursad u siin karo inuu dhex galo aragtiyaha kala duwan ee mucaaradka dhexdiisa, uuna sidaas uga faa’iideysto.

Wararka ayaa intaas kusii daraya, haddii mucaaradku ay ku adkaystaan go’aankan, madaxweynuhu uu ka maquuran doono inuu toos ula xaajoodo guddiga, uuna iska horgeyn doono guddi wasiiro ah oo u xilsaarayo inay la macaamilaan, halkii uu isagu si toos ah ula kulmi lahaa.

Tan ayaa haddii ay dhab noqoto adkeyn karta in si habsami leh u sii socdaan wada-hadallada jawiga degan Khamiistii uga bilowday Madaxtooyada Qaranka ee Villa Soomaaliya.

- Advertisement -

Read more

Local News